WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo War kasoo saartay Qaraxyadii ka dhacay Degmada Maxaas

Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadlay qaraxyo Is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolkaas, oo lala beegsaday mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu tcasi ugu diray ehelkii qaraabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen Shacabkii ku dhintay qaraxyadii saaka ka dhacay degmadda Maxaas.

Cali Jeeyte Cismaan ayaa ugu baaqay hay’addaha kala Duwan ee cafmaadka  in la sameeyo gargaar Cafmaad oo degdeg si loo badbaadiyo Shacabka dhaawaca ah ee u baahan daryeel cafmaad oo Degdeg ah shacab-kane aay dhiigooda bixiyaan.

“Maamulka Gobolka Hiiraan wuxuu wadaa dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu soo Afjarayo haraadiga  Al-Shabaab waxuuna gurmad u fidinayo Shacabka dhibaatadu ka soo gaartay Weerarada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Maamulka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen inay weerareen goobo laga soo abaabulayay weerarada ka dhanka ah Al-Shababa ee ka dhaca gobolka Hiiraan, In ka badan 15 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.

Hirshabeelle oo War kasoo saartay Qaraxyadii ka dhacay Degmada Maxaas
To Top