WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo war Deg-deg ah kasoo saartay Dagaal lagu hoobtay oo dhacay

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku dagaalamayo deegaano hoosyimaada Degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan dirirtaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ayaan darro wayn ay tahay oo aan la aqbali karin in waqtigaan la joogo dad walaalo ah ay dhexmarto colaado sokeeye iyadoo deegaanadeena qaar kamid ah uu cadow argagixiso ah haysto, abaaro ba’anna ay ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol dib u nabadeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay in naxariiistiisa janno uu ka waraabiyo dhamaan dadkii ku dhintay dagaalkaas, inta dhaawacantayna waxa uu Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray Shabeellaha Dhexe, In ka badan 10 ruux oo labada dhinac ayaa ku dhintay dagaalka, halka tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Hirshabeelle oo war Deg-deg ah kasoo saartay Dagaal lagu hoobtay oo dhacay
To Top