WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo shaacisay inay ka xun tahay hakinta kursiga Fahad Yaasiin

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  ayaa shaacisay inay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

War kasoo baxay Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah,  goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka.

Hirshabeelle ayaa intaas kusii dartay in wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursiga  HOP086 iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah.

“ Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Uga dambeeyn Hirshabeelle ayaa ugu baaqday Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada Dalka.

Hirshabeelle oo shaacisay inay ka xun tahay hakinta kursiga Fahad Yaasiin
To Top