WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle iyo K/Galbeed oo si adeg uga horyimid tallaabo uu qaaday Guddiga FEIT

Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si adeg uga horymid tallaabooyin ay qaadeen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kadib markii Liiska Xildhibaanada cusub ka reebeen Xildhibaano laga soo doortay deegaanada Maamuladaas.

War kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle ay u arkaan mid uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay, taasina ay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii doorashooyinka.

“Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Koonfur Galbeed ayaa caddeeysay inay xoojineyso in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, iyagoona ka digay tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan.

Dhinaca kale Hirshabeelle ayaa sheegtay in Guddoomiyaha FEIT uu Liiska Xildhibaanada Hirshabeelle u soo gudbisay uu ka reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo kamid ahaa  kuraastii Golaha shacabka  uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelle.

Kursiga HOP086 ayaa waxaa soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay.

Ugu dambeyntii, Hirshabeelle ayaa digtay guddiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii  Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa  wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka.

Hirshabeelle iyo K/Galbeed oo si adeg uga horyimid tallaabo uu qaaday Guddiga FEIT
To Top