WARARKA SOOMAALI

Haweeney si xun u dishay wiil Ninkeeda dhalay oo lagu qabtay Muqdhso (SAWIRO)

Ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay Haweeney si arxan darro ah u dishay wiil saqiir ah uu dhalay ninkeeda, sida lagu sheegay War Qoraal ah oo Taliska Booliska ku shaaciyeen bartooda gaarka ah.

Booliska ayaa sidoo kale soo bad baadiyay gabar yar oo iyana la dhalatay wiilka ay dishay haweeneyda oo la tilmaamay inay Eedo aheyd, gabadha ayaa iyadana jirkeeda waxaa ka muuqday dhaawacyo culus oo eedadan arxanka daran gaarsiisay.

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa xusay in baaritaano ku wadaan haweeneyda dilka u geysatay wiilka yar, waxa ayna booliiska sheegeen in caddaalada la hor-geyn doono eedada arcanka daran ee dishay wiilka ninkeeda uga tagtay.

Aabaha dhalay carruurtan ay ciqaabtay xaaskiisa ayaa la sheegay in dalka dibadiisa ku nool yahay, waxaana booliiska sheegeen in haweeneyda gacan ku diiglaha xabsiga la dhigay lana horgeyn doono caddaaladda.

Haweeney si xun u dishay wiil Ninkeeda dhalay oo lagu qabtay Muqdhso (SAWIRO)
To Top