WARARKA SOOMAALI

Hanti-dhowaraha Qaranka oo joojiyey in hay’addaha DF xiligaan galaan heshiisyo

Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa soo saaray Digniin ku socota hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya, xiligaan kala  guurka ah oo dalka galayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Qoraal uu soo saaray Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka ayaa waxaa hay’addaha dowladda Federaalka looga digay inay galaan heshiisyo ama ay qaadaan tallaabo saameyn mug leh ku yeelaneysa Hantida Ummadda Soomaaliyeed, ilaa inta laga soo gaba-gabeynayo doorashada, dalkana uu yeelanayo Xukuumad cusub.

Hanti-dhowaraha ayaa sheegay in heshiisyada ay hay’addaha dowladda Federaalka galeen wixii ka dambeeyay inay bilaabatay doorashada guud ee dalka ee aan weli la fulin aan la bilaabi karin fulintooda ilaa doorashada laga soo gaba-gabeynayo.

Sidoo kale Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka ayaa ku wargeliyay hay’addaha dowladda ee galay heshiiyada intii ay bilaabatay doorashada, balse aan la fulin heshiisyada looga baahan yahay hay’addihii galay inay soo gudbiyaan macluumaad ku saabsan heshiisyada.

Hanti-dhowaraha Qaranka oo joojiyey in hay’addaha DF xiligaan galaan heshiisyo
To Top