WARARKA SOOMAALI

Hakan Fidan iyo Antony Blinken oo kullankii ugu horreyay yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga , Hakan Fidan iyo dhiggiisa Marekanka, Antony Blinken ayaa kullankii u horreyay ku yeeshay magaalada London,iyagoo ka wada-hadlay ku biiritaanka Sweden ee NATO, iskaashiga difaaca iyo weliba xiriirka labada dal.

Fidan oo kulanka ka hor la hadlay warfidiyeenka ayaa wuxuu sheegay :  “Maanta waxa aanu joognaa London si aanu u muujino taageerada aanu u hayno Ukraine”. Isagoo ka hadlaya Fidan, kullanka uu la yeeshay xog-hayaha arrimaha dibadda Marekanka wuxuu yiri:

“Runtu waxa ay tahay in aynaan ka wada-hadlin qodob kasta, laakiin isbahaysigeena NATO, iyo qaybaha kale ayaa nagu qasbaya in aan wada shaqayno.”

Dhiniciisa, Blinken wuxuu sheegay inay farxad u tahay inuu la kulmo “saaxiibkii sanado badan,” isaga ula jeedaa markii ay hoggaaminayeen sirdoonka labada dal.Wuxuu ammaanay xiriirka labada dal, isagoo yiri, “Waxaa jira wax badan oo Mareykanka iyo Turkiga ay iska kaashanayaan.”

Hakan Fidan iyo Antony Blinken oo kullankii ugu horreyay yeeshay
To Top