WARARKA SOOMAALI

Guri uu ku sugnaa Wasiirka A/Dibadda DFS oo la weeraray & Khasaaro ka dhashay

Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Puntland ayaa Caawa weerar khasaaro dhaliyey ku qaaday Guri uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Guriga la weeraray uu degan yahay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Mudug, waxaana weerarka uu dhacay, xili afur loo fadhiyey.

Khasaaro u badan dhaawacyo ayaa ka dhashay weerarka oo ay qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Mudug, isla markaana waxaa dadka dhaawacmay ku jira Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Coomaad iyo Nabadoon Yaasiin.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ciidamadda u beegsadeen hoyga

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Maamulka Puntland ay amaro kasoo saareen shirarka siyaasadeed ee lagu qabto Magaalada Gaalkacyo, ilaa iyo haddana  lama oga, sababta rasmiga ah ee weerarkaas ka dambeysay.

Guri uu ku sugnaa Wasiirka A/Dibadda DFS oo la weeraray & Khasaaro ka dhashay
To Top