WARARKA SOOMAALI

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, Guddoomiyaha Aqalka Sarre Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeennada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlayay dardar gelinta ajandayaasha horyaala Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Kulanka guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ku wehliyay habdhowrayaasha iyo xoghayeyaasha labada aqal.

Guddoonka ayaa isla gartay in ay si wadajir ah u wajahaan kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah qaranka, oo ay ugu horreeyaan dhammasytirka wax ka bedelka dib eegista Dastuurka KMG, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran iyo qodobo kale oo muhiim ah geedi socodka dowladnimadda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in hakad la geliyay kulamada Golaha, inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidda Axdda ee maalmo kooban naga xigaan.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho
To Top