WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Shuute oo Digniin culus u diray Ciidamada Dowladda Federaalka

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo saaray Digniin ku socota Ciidamada Qalabka Sida, kadib markii khudbad u jeediyey Ciidamo howlgal ka wada Gobolka Baay.

Guddoomiye Shuute ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka ku milmi karin arrimaha loolanka u dhexeeya Siyaasiyiinta Soomaalida ee isku khilaafsan danahooda gaarka ah & Arrima kale.

Guddoomiyaha oo Boqolaal Askari kula hadlayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegay in markasta ay dhacdo siyaasad aan wanaagsaneyn ay ka dhalato in uu dhiig daato, balse Ciidamada looga baahan yahay inay wixii sharci ah ay difaacaan.

Wuxuu sheegay in siyaarad toosan ay sahli karto in dalka uu noqdo mid toosan oo amni ah, isla markaana Sarkaalka iyo Ciidamada looga baahan yahay inay wadaniyaddu ay tahay in qof walba uu u hiiliyo dalkiisa balse dowladda loo hiilin karo markii ay ku soocto waddo sax ah oo sharci ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heystaan fursad dalka uu ku badbaadi karo, hayeeshee ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiye Shuute oo Digniin culus u diray Ciidamada Dowladda Federaalka
To Top