WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Muuse Geelle iyo wafdi la socday oo Goor dhow gaaray Magaalada Ceelwaaq

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa Maanta oo jimco ah gaaray Degmada Ceelwaaq oo ah deegaan doorashada labaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Wafdiga Guddoomiye Muuse Geelle ayaa waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta Jubaland Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno kale oo Guddiga heer Faderaal iyo heer Dowladd Goboleed, iyo guddiga xalinta qilaafadka.

Guddigaan ayaa goobjoog ka noqon doona doorashada 16-ka kursi ee ka dhaceysa Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sidoo kale Ceelwaaq ayaa Maanta waxaa gaaray Musharaxiin dhowr ah oo ay doonaya inay ku tartamaan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka ee taalla Magaaladaas.

Guddoomiye Muuse Geelle iyo wafdi la socday oo Goor dhow gaaray Magaalada Ceelwaaq
To Top