WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Muuse Geelle iyo wadi uu hoggaaminayey oo gaaray Magaalada Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo Xubno kale oo kamid ah Guddiga ayaa waxaa ay Maanta gaareen Maaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xubnahaan oo ka ambabaxay Magaalada muqdiso ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Kismayao kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf ayaa kulan la qaadan doona Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo ay ka wada hadli doonaan dardar-gelinta qabsoomida doorashada 16-kursi oo lagu qabanayo Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa socdaalkooda degmada Ceelwaaq waxaa uu yahay u kuurgelida goobta lagu qabanayo doorashada 16 kursi , iyaga oo sidoo kale goob joog ka noqon doonaan doorashada.

Ammaanka guud ee degmada Ceelwaaq ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland & kuwa Kenya ee katirsan AMISOM, waxaana xusid mudan in Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey ay Xubno kale ka qaban qaabinayaan doorasho kale.

Guddoomiye Muuse Geelle iyo wadi uu hoggaaminayey oo gaaray Magaalada Kismaayo
To Top