Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu gebi ahaan iska Casilay xilkii u haayay Guddiga doorashooyinka.
Qoraal uu ogeeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ayuu ku sheegay in si shaqsi ah uu isaga casilay xilka ugana baxay Guddiga.
Sababta uu isku Casilay Guddoomiye Caynaanshe Yusuf Xuseen ayuu ku sheegay inay Arrimo u gaar ah, wuxuuna yiri Aniga oo ah Caynaanshe Yuusuf Xuseen,kana tirsanaa Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee Puntland, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan arimo shakhsi ah oo ii gaar ah dartood isaga casilay xilkii xubinnimo ee ka mid ahaanshaha guddiga.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Guddiyada kala duwan ee heer Federaal iyo heer Maamul goboleed oo ay soo wada shaqeeyeen mudadii sanadka iyo dheeraadka aheyd ee uu ka tirsanaa guddiga, wuxuuna u rajeeyay guddlyada in ay halkaas ka sii wadaan shaqada muhiimka ah oo ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hayaan.
Tallaabada uu isku Casilay Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland, iyada oo maalmaha soo socda ay Magaalada Boosaaso ka bilaabato doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.