WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Cali Yare oo shaaciyay cidda u diiday inuu aado Magaalada Guriceel

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare oo ah musharax Xildhibaan ayaa Maanta lagu celiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdishi.

Cali Yare iyo ciidamo uu watay oo kusii jeeday magaalada Guriceel ayaa loo diiday in ay ka baxaan garoonka, waxaana lagu qasbay Cali Yare iyo xubnihii la socday in ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Qoraal uu soo saaray Cali Yare ayuu ku beeniyay in ciidamada NISA ay safarkiisa baajiyeen, waxa uuna xusay in aysan jirin sabab ay hay’adda NISA ay madax ka yihiin rag saaxiibadiis ah uga hor istaagi karaan in uu safro.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor masuul ka ahaa in safarkiisa la baajiyo, waxa uuna xusay in NISA ka dalbaday in aysan usoo duuli karin Galmudug.

”Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda” ayuu yiri Cali Yare.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Cali Yare “Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen.”

Guddoomiye Cali Yare oo shaaciyay cidda u diiday inuu aado Magaalada Guriceel
To Top