Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay xubnaha Guddiga ka imaanaya dhinaca Aqalka Sare, kuwaasi oo ka kooban 6-xubnood, waxaana lixda xubnood ay Aqalka Sare ku matelayaan Guddiga doorashada Madaxweynaha.
Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa sidoo kale guddigan meel mariyay sida lagu sheegay war-saxafaddeed kasoo baxay aqalka sare, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.
