WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Garoowe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka ahna kusimaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uusan xal u ahayn khilaafka siyaasadeed, waxaana uu waxgaradka Puntland oo ay ugu horreeyaan odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada iyo xasiloonida deegaanka.

Ugu dambeyn Aadan Madoobe ayaa ku booriyey wax kasta oo keeni kara kala aragti duwanaansho siyaasadeed in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo la dhowraayo nabada isla-markaana aan la barakicin shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle uga baryay intii ku dhimatay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo inta ku dhaawacantayna Eebbe caafimaad deg deg ah siiyo.

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaasi oo u dhexeeyay ciidanka ammaanka Puntland iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Garoowe
To Top