Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa manta ka dhoofay garoonka diyaaradaha aadan cade ee magalaada muqdisho
Gudoomiyaha iyo wefdigiisa oo kusii jeeda magaalada Roma ee dalka talyaaniga ayaa waxaa garoonka aadan cade ka sagootiyay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Ujeedka safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa ayaa ah casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga, inta uu ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaasi uu kala hadli doono taageerada dowlada talyaaniga ay siiso soomaaliya iyo xaalada guud ee dalka
Waxaaa sidoo kale la filayaa in gudoomiyaha barlamaanka iyo wefdigiisa ay la kulmi doonnaan jaaliyada soomaaliyeed eek u nool dalka talyaanniga isagoo kaga warbixin doonnta xaalada dalka iyo guula ay dowlada soomaaliya ay ka gaartay dagaalka ka dhan ka ah dagalamayaasha Al- Shabaab.