WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta kulan la qaatay Bulshada Rayidka

Guddoomiyaha Golaha Shaxabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka oo kaalin mug leh dhib u dhiska dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay kaalinta ay ururada bulshada rayidka ah ka qaadan karaan arrimaha doorashada madaxweynaha dalka ee dhici doonta May 15, 2022.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku booriyey bulshada rayidka in ay kaalintooda horumarineed ay sii laba jibbaaraan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tan iyo markii la doortay kulamo kala duwan oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka ka wada, iyada oo muddo kooban ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta kulan la qaatay Bulshada Rayidka
To Top