WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka dalka Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa gurigiisa ku qaabiley Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Maxamed Rashiid.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaam, isagoo la wadaagey xariirka walaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen labada Baarlamaan ee Labada Dal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahadceliyey booqashada danjiraha ayaa ku amaanay xirirka walaaltino ee labada dal  iskaashiga iyo  wax-wada qabsiga shacabka iyo dowladba.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka dalka Jabuuti
To Top