WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale oo Digniin culus soo saaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saldhiga Degmada Yaaqshiid ku kormeeray howlgal ay Ciidanka Booliska kusoo bandhigeen maandooriye isugu jira Calaq iyo Xashiish.

Madaale ayaa sheegay inay bartilmaameed u tahay noocyada kala duwan ee daroogada iyo cidda ehelka u ah oo ay ka mid yihiin , kuwa tacba, gado, iibsada iyo kuwa isticmaalayaba

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka arrimahaasi ku feegan inaysan nolol ku jirin xaaraan diintuna ay mabnuucday iyaguna ay la dagaallami doonaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale digniin kama dambaysa u diray dadka furtay goobaha lagu tunto, wuxuuna sheegay inay u dulqaadan doonin kuwa gabdhaha 15 jirrada ah iyo wiilasha yaryar fasaadiya wuxuuna ku tilmaamay cadow nagu soo duulay.

Dhinaca kale, Taliyaha qeybta Bari ee Gobolka Banaadir G/le Macallin Aadan ayaa ka war bixiyay howlgal ay ciidanka Amniga kusoo qabteen muqaadaraad kala duwan oo isugu jira 10 jirigaan oo Calaq ah iyo 11 jawaan oo Xashiis ah, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan la dagaallanka waxyaabaha halista ku ah bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale oo Digniin culus soo saaray
To Top