WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Garbahaareey oo kasoo horjeestay Guddiga uu magacaabay Rooble

Gudoomiyaha Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda Magaaladaas iyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, ee taalla Magaalada Garbahaareey.

Guddoomiye Xasan Sheekh oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay in xaaladda amniga ee Magaalada ee tahay mid wanaagsan, isla markaana lagu qaban karo kuraasta doorashada Golaha Shacabka ee taalla Magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Wuxuu tilmaamay Guddoomiyaha inay raaceen habraacyadii hore ee soo saaray ee ku aadanaa doorashada dalka ka socota oo ku jirtay in Magaalada Garbahaareey lagu qabto doorashada kuraasta, isagoo xusay in horey Guddiyo qiimeyn ah loogu soo diray.

Sidoo kale Guddoomiye Xasan Sheekh ayaa Carabka ku dhuftay in Magaalada aysan imaan karin Guddi aan ka aheyn Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa Xallinta Khilaafaadka, ayna kasoo horjeedan Guddiga qiimeynta ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddoomiyaha Garbahaareey oo kasoo horjeestay Guddiga uu magacaabay Rooble
To Top