WARARKA SOOMAALI

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Go’aan ka gaaray Dacwada kursiga HOP#045

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa Go’aan ka gaaray dacwadii laga soo gudbiyey kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#045 oo dhawaan lagu doortay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo kusoo baxay Maxamuud Axmed Maxamed.

Kursigaan oo uu horey ugu fadhiyey Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa dacwad laga gudbiyey Musharaxii kusoo baxay, iyadoona Guddiga Khilaafaadka uu baaris dheeraad ah ku sameeyay dacwada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in hanaanka loo maray doorashada kursigan Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#045 uu yahay, isla markaana kursigaas Natiijada doorashadiisa ay fasax tahay.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wargeliyay inay shaaciyaan, kuna dhawaaqan Natiijada kursigaas, maadaama loo maray hannaan sax ah.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Go’aan ka gaaray Dacwada kursiga HOP#045
To Top