WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Guddiga qiimeynta Xaaladda Garbahaareey oo Warbixin u gudbinaya RW Rooble

Guddiga qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gabagabeeyay wadahadalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kismaayo kula lahaayeen mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland ee ay khuseyso doorashada Garbahaarreey.

Guddiga ayaa tan iyo Arbacadii markii ay gaareen Kismaayo waxa ay kulammo la yeesheen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Mmadaxweyne ku-xigeenka Jubaland, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, iyagoo ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorashadaasi.

Guddiga Qiimeynta ayaa sidoo kale kulammo wadatashi iyo aragti ururin ah la yeeshay qaar ka mid ah duubabka, ugaasyada, salaadiinta iyo nabadoonada deegaan doorashada Garbahaareey ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

 

DAAWO: Guddiga qiimeynta Xaaladda Garbahaareey oo Warbixin u gudbinaya RW Rooble
To Top