WARARKA SOOMAALI

Guddiga La-dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo MW Guudlaawe oo ka shiray Arrin Muhiim

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiraadda lagu saaray arrimo badan oo quseeya la dagaalanka Musuq-maasuqa, horumarinta hey’adaha la dirirka Musuqa iyo maamul wanaaga.

Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jiraan masuq-maasuq la sheegay in haaran uu hareeyay doorashooyinka, gaar ahaan Doorashada Golaha Shacabka oo qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka si toos ah uga billaabatay, waxaana jira kuraas la laalay oo gabi ahaanba doorashdoodii oo wax kama jiraan laga dhigay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maalmahan ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo kula kulmay qaar kamid ah Safiirada Beesha Caalamka.

Guddiga La-dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo MW Guudlaawe oo ka shiray Arrin Muhiim
To Top