WARARKA SOOMAALI

Guddiga Khilaafaadka oo sharci darro ku tilmaamay Doorashada Garbahaarrey iyo Ceelwaaq

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal ayaa sharci-darro ku tilmaamay doorashooyinka is barbar soda (Parallel election) ee Garbahaarrey iyo Ceelwaaq.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Xallinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in labada doorasho ee Garbahaarrey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa baalmarsan heshiisyadii iyo habraacyada loo dejiyay doorashooyinka islamarkaana ay waxba kama jiraan yihiin.

“Doorashada ka socota magaalada Garbahaareey waxaa aysan haysan sharciyadda maamulka Jubaland iyo doorkii guddiga SEIT oo meesha ka maqan, halka doorashada Ceelwaag ay khilaafsan tahay qodob aasaasi ah oo ku saabsan asteynta deegaan doorashooyinka sida ku cad Sharciga Jihaynta doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sidoo kale farriin deg deg ah u diray Madasha Wada-tashiga Qaran ee Arrimaha doorashooyinka oo ay ka dalbadeen in ay soo fara-geliyaan codaynta is barbar socota ee Garbahaarrey iyo Ceelwaaq si loo xalliyo khilaafka kuraasta Gobolka Gedo.

Guddiga Khilaafaadka oo sharci darro ku tilmaamay Doorashada Garbahaarrey iyo Ceelwaaq
To Top