WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Kursiga uu kusoo baxay Mahdi Guuleed oo Go’aan laga gaaray

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay in kursiga Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Guuleed loo maray habraacii saxda ahaa, sidaasna ansax ku yahay…

Tallaabadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Xubnaha Guddiga uu dacwad u gudbiyay Xuseen Carab Ciise oo kursiga ku fadhiyay Afartii Sano ee la soo dhaafay, taas oo ugu dambeyn Maanta go’aan ka gaareen.

Qoraal kasoo baxay Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu shaaciyay in Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashooyinka Dadban uu soo geba-gabeeyay Dacwad Doorasho ee Kursi Lambar HOP239, Gal-Dacwadeed kuna saabsan sidii loo maamulay Doorashada Kursi Lambar HOP239, oo la qabtay 01/11/2021. Dacwadaas oo loo soo gudbiyay Guddiga taariikhdu markay ahayd 02/11/2021 kana dhaxaysa dhicanyada kala ah:

1- Soo Dacwoode: Xuseen Carab Ciise

2- Dacweysane: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland (SEIT)

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashooyinka Dadban wuxuu baarintaanada iyo dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu ku sameeyay intii u dhaxasay 02/11/2021 ilaa 07/11/2021, waxayna dhinacyadu ku doodeen sida hoos ku xusan:

Akhriso:-Kursiga uu kusoo baxay Mahdi Guuleed oo Go’aan laga gaaray
To Top