WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo weli wada bixinta Shahaadada Xildhibaanimo

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maalintii shanaad oo xiriir ah Magaalada Muqdisho ka wada bixinta shahaado siinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee kusoo baxay doorashooyinka.

Guddiga doorashada ayaa Maanta oo Arbaco ah shahaado siiyay 7 Xildhibaan, iyadoona weli ay harsan yihiin Xildhibaano iyo Senataro kale oo qaadanaya Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ayaa waxaa magacyadooda kala yihiin:

1- Samira Maxamud Haji AS#51

2-Saynab Ismail Mohamed AS#45

3- Mohamed Abdi Osman AS#49

4-Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014

5-Farhan Ali Hussein AS#47

6-Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010

7- Mohamed Farah Nur GSH#192

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ku boorriyey Xildhibaanada aan wali qaadan shahaadada Xildhibaanimo inay dhowraan Jadwalka dhammeystirka Doorashada dalka, isla markaana ay yimaaddaanna Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel, si ay u qaatan Shahaadada.

Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo weli wada bixinta Shahaadada Xildhibaanimo
To Top