WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada oo shaaciyay in Doorashada J/land laga wareejiyay Garbahaareey

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa Go’aan cusub kasoo saaray deegaan doorashada  labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ee Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

War-saxaafadeed kasoo saaray Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu arkay in Magaalada Garbahaareey ay  ka jiraan caqabado amni oo ku hor gudban doorashada kuraasta deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddiga ayaa caddeeyay in Maamulka Garbahaareey uu xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal u diiday inay booqasho ku tegaan Magaaladaas, iyagoona u kuurgeli lahaa xaaladda amni ee ka jirta Magaaladaas.

Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Go’aamiyey in doorashada kuraasta 16-ka kursi ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland loo wareejiyay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Guddiga Doorashada oo shaaciyay in Doorashada J/land laga wareejiyay Garbahaareey
To Top