WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Jubbaland oo shaaciyey Jadwalka Doorashada kuraas

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleed ka Jubbaland ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa ay ku sheegeen in diiwaan-gelinta ergada iyo tababarka ergada doorashada ay bilaabaneyso maalinta berri oo sabti ah, halka diiwaan-gelinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso 27-ka bishaan December 2021.

Sidoo kale Guddiga doorashada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka la qabanayo 28-ka bishaan December, waxaana kuraastaas tirsigoodu kala yihiin HOP082, HOP108, HOP113, HOP134, HOP203 iyo HOP217.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa dhawaan soo saaray  Liiska 14-ka kursi ee ugu horreeyay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, halka weli aysan shaacin kuraasta ugu horreeysay ee doorashada maamulada Puntland iyo Hirshabeelle.

Guddiga Doorashada Jubbaland oo shaaciyey Jadwalka Doorashada kuraas
To Top