WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Jubbaland oo shaaciyay Liiska Guddiyada xulista Ergada

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland ee SEIT ayaa shaaciyay Guddiyada xulista Ergooyinka dooranaya lixda kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka dowladda Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay Liiska Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergooyinka dooranaya lixda kursi oo doorashadoodu maalmaha soo soacda la qabanayo.

Jubbaland ayaa habeen horey soo saartay Jadwalka doorashada lix kursti oo tirsigoodu kala yihiin HOP082, HOP108, HOP113, HOP134, HOP203 iyo HOP217, waxaana doorashada kuraastan ay dhaceysaa 28-ka bishaan December 2021.

Jubbaland ayaa noqoneysa dowlad Goboleedkii u horreysay ee soo bandhigta Guddiga soo xulaya ergooyinka, taasoo furo u noqoneysa hannaanka daah furnaanta ee doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Guddiga Doorashada Jubbaland oo shaaciyay Liiska Guddiyada xulista Ergada
To Top