WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo doortay Guddoomiye Cusub

Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulakii ugu horreeyay ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa Magaalada Muqdisho.

Guddiga oo ka kooban 10-xubnood ayaa iska dhex doortay Guddoomiye oo loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamad oo kamid ah Baarlamaanka, isla markaana wuxuu helay Codad gaaraya 5-cod.

Sidoo kale Guddiga qaban-qaabada ayaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi u doortay  Xoghayaha Guddiga, wuxuuna helay 4 Cod, waxaana doorashada Guddoomiyaha iyo Xoghayaha goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka .

Guddiga ayaa inta uu socday kulankooda uga hadlay howlaha shaqo ee Guddiga looga baahan yahay inay qabtaan oo ah diyaarinta Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo doortay Guddoomiye Cusub
To Top