WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay Jadwalka Doorashada kuraas hor leh

Guddiga hurgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada Saddex kamid ah kuraasta ugu adag, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 9 Bishaan ilaa 10-ka la qaban doono Shaqada ah shaacinta Guddiga xulista Ergada, tababarista Ergada & qabashada araajida musharrixiinta.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in 11-ka Bishaan la diiwaangelin doono musharrixiinta Saddexda Kursi halka 12 Bishaan oo ku beegan Sabtida soo socota ay dhaceyso doorashada Saddexda kursi ee kala ah.

Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in uu dhawaan soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug ka hor inta aan la gaarin 15-ka Bishaan oo ah markii lagu balamay in la soo geba-gabeeyo guud ahaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay Jadwalka Doorashada kuraas hor leh
To Top