WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay Doorashada 11 kursi oo taalla Galmudug

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay Liiska 11-kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka Barlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo doorashadooda la qaban doono…

11 kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah kursiga #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaa Odawaa, waxaana tartanka kursigan uu ka mid yahay kuraasta sida weyn isha loogu haayo oo tartankiisa ka dhaxeeyo Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa iyo Wasiirka ku-xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo saaraan jadawlka doorashada kuraastan la shaaciyay, waxaana doorashadoodu lagu qabanayaa Magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay Doorashada 11 kursi oo taalla Galmudug
To Top