WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo Maanta ansixiyey dhowr hindise sharciyeed

Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab ah.

Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa  ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, iyadoo dhinaca kale goluhu guddi u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo Maanta ansixiyey dhowr hindise sharciyeed
To Top