WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Galmudug oo Shir ay yeesheen uga hadlay Arrimo dhowr ah…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaalada guud ee amniga, sharciga Dhismaha Degmooyinka iyo Gobalada Galmudug, iyo arrimaha doorashooyinka.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradaha Amniga gudaha, Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta & Federaalka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa gorfeeyay soo jeedinta shuruucda iyo warbixinada ay bixiyeen wasaaraduhu, ayadoona wasaaradda Arrimaha Gudaha ay dib u eegis ku sameyn doonto soo jeedintooda.

Golaha Wasiirada Galmudug oo Shir ay yeesheen uga hadlay Arrimo dhowr ah…
To Top