WARARKA SOOMAALI

Golaha Wakiilada Somaliland oo beeniyay in ay dhibane u yihiin Wariye Coldoon

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku beeniyeen in ay dhibane u yihiin uuna wax u dhimay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay golaha Wakiilada Somaliland ayaa lagu beeniyay qoraal kasoo baxay Xeer Ilaalinta Somaliland oo lagu sheegay in golaha Wakiilada Somaliland dhibane u yihiin saxafadi Cabdimaalik Coldoon.

Golaha Wakiilada Somaliland qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay yihiin Hay”ad leh qaanuun u gaar ah oo ay wax ku dacweyn karaan laguna dacweyn karo si waafaqsan dastuurka u degsan Somaliland.

Golaha Wakiilada Somaliland oo beeniyay in ay dhibane u yihiin Wariye Coldoon
To Top