WARARKA SOOMAALI

Golaha Shacabka oo muddo kordhin u sameeyay dhismaha Xukuumadda Cusub

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamza Cabdi Barre uu usoo gudbiyay gudddoonka Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday in muddo 10 maalmood ol dheeraad ah loogu daro waqtiga uu kusoo magacaabayo Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ay manta isugu yimaadeen Golaha Shacabka ayaa waxaa  ku ogolaatay 144-xildhibaan,hal xildhibaan ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada codeynta ku dhowaaqday.

Maalinta ayey ku egtahay 30 cisho ee laga rabay in Ra’iisul Wasaare Xamse inuu Gole Wasiiro ku soo dhiso, hayeeshee ma suuragelin, waxaana Ra’iisul Wasaaraha uu wadaa latashiyo kala duwan oo uu sameeynayo.

Golaha Shacabka oo muddo kordhin u sameeyay dhismaha Xukuumadda Cusub
To Top