WARARKA SOOMAALI

Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay sharciyo muhiim ah & Mahad Salaad oo…

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoomiyey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa ansixinta hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixsada, oo maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dood adag ka lahaayeen, sharciga ayaana u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ansixinta sharcigaan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xildhibaan oo kale, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa kaloo Xildhibaanada kulankoodii maanta ku ansixiyeen hindise-sharciyeedka dhowrista xogta, Sharcigaan ayaa ah mid hagi doona dhammaan ha’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee haya xogta gaarka ah.

Dhinaca kale Agaasimaha Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA Mahad Salad ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay sharciyo muhiim ah & Mahad Salaad oo…
To Top