WARARKA SOOMAALI

Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaalada Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho.

Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa warbixinno kooban kuna aadan xaaladda dalka jeedin doonta Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, haweeneyda dhawaan lasoo magacaabay Catriona Laing, iyadoo ka Warbixin doonta Arrimo dhowr ah.

Kulankaan ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee NewYork maanta ka furmaya markii ay saacadu tahay , 5:00-ta galabnimo waqtiga Muqdisho.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Mohamed El-Amine Souef., waxaana Golaha Ammaanka ay ka dhageysan doonaan Warbixin la xiriirta Ciidamada ATMIS iyo howlgalada la fuliyay.

Qaramada Midoobay ayaa il gaara ku haysa gaar ahaan arrimaha Colaada magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, taasi oo u dhexeeysa ciidamada SSC-Khatuma iyo ciidanka Maamulka Somaliland, dad farabadan ayaana ku naf-waayay Colaada oo bilooyinkii lasoo dhaafay jirtay.

Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaalada Somalia
To Top