WARARKA SOOMAALI

Garsoore loo heysto musuq & xatooyo oo la horgeeyay Maxkamadda G/Banaadir

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay garsoore ku eedeysan musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, sida lagu shaaciyay War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka la horgeeyay ahaa waxa uu ahaa Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda degmada Yaaqshiid, waxaana loo gudbiyay eedeysanaha xabsi kumeel gaar ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegtay inay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah ee uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee la xiriirta loo heysto garsooraha oo ah musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu maxkamadda gobolka Banaadir uu horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

Garsoore loo heysto musuq & xatooyo oo la horgeeyay Maxkamadda G/Banaadir
To Top