WARARKA SOOMAALI

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Dalab Culus hordhigay Dowladda Federaalka

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Garaadada deegaannada SSC ayaa ka hadlay dagaalka bilihii lasoo dhaafay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dhexmarayay ciidanka SSC iyo maleeshiyaadka Maamulka Somaliland.

Garaad Jaamac oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in Colaada ka jirta Laascaanood lagu qabsaday dadka deegaanka SSC, isla markaana dhulkooda ay ku dhibaateysay Somaliland, kuna soo duushay, ayna dadka deegaanka iska difaaceen.

Garaadka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay saarantahay mas’uuliyadda la xiriirta tillaabo ka qaadista arrinta taagan, isagoona xusay in dowladda ay rabo inay Somaliland iyo SSC wada raali geliso, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Cidda ay mas’uuliyaddan saarantahay ee aad mooddo weli in kii dulmiga waday iyo kii la dulminayay ay isleedahay wada raali gali waa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inuu caddeeyo mowqifkiisa dhabta ah ee ku aaddan xaalka Laascaanood, maadama uu yahay madaxweynaha dalka.

Gaba-gabadii Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Garaadada deegaannada SSC ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in dowladda federaalka Soomaaliya, laga doonayo in iyaga iyo Somaliland ay u sheegto cidda gardaran, isagoona xusay in aan loo baahneynin in arrinta Laascaanood indhaha laga qabsado.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Dalab Culus hordhigay Dowladda Federaalka
To Top