WARARKA SOOMAALI

Garaad Jaamac G. Ismaaciil “Somaliland si Deg deg ah ha uga baxdo Laascaanood”

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa si kulul uga hadlay xasuuqa ay ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ay ka geysteen magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoona tacsi u diray dhammaan qoysaska dadkii lagu laayay halkaas.

Garaadka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xasuuqa ka dhacay Laascaanood uu yahay mid aan loo dulqaadan karin, waxaana uu dalbaday in si deg deg ah Somaliland uga baxdo Laascaanood iyo guud ahaan SSC.

Hadalka Garaadka ayaa toos u iba-furay Halganka kala baxa ee ka socda Laascaanood,  Garaad Jaamac ayaa sidoo kale baaq u diray Isimada Gobolka oo uu ka codsaday in ay mudda saddex maalmood ku soo galaan Laascaanood si wadatashi loo yeesho.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa hadalkiisa yimid, kadib markii ciidamada Booliska Somaliland ay xasuuq ba’an ku hayaan shacabka kunool magaalada Laascaanood oo maalmihii lasoo dhaafay waday banaanbax ay ku diidan yihiin Maamulka Somaliland.

In ka badan 10 qof ayey ciidanka Somaliland ku dileen Laascaanood, halka dhowr qof kalena ay dhaawacyo gaarsiiyeen, kuwaasi oo u badan dhallinyarada magaalada.

Garaad Jaamac G. Ismaaciil “Somaliland si Deg deg ah ha uga baxdo Laascaanood”
To Top