WARARKA SOOMAALI

Dilalka Soomaalida loogu geysanayo Koonfur Afrika oo sii kordhaya

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa deegaan hoostaga Magalada Johannesburg ee dalkaas Koonfur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada ka shaqeysata goobaha Ganacsi ee ku yaalla dalkaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cismaan Cabdisalaan Maxamed, waxaana xilligii la dilaayay uu ku sugnaa goob Ganacsi uu ka shaqeynayay, isagoo u geeriyooday xabado lagu dhuftay.

Burcada ayaana la sheegay in dilka kaddib ay goobta isaga baxsadeen, waxa ayna horey usii qaateen lacago iyo sidoo kale agabyo kale oo yaallay dukaanka, sida ay sheegeen dad gurmad u tagay dukaanka falka ka dhacay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah dilal iyo dhibaatooyin kalaba loogu geestaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, waxaana dalkaasi sannadihii lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed.

Dilalka Soomaalida loogu geysanayo Koonfur Afrika oo sii kordhaya
To Top