WARARKA SOOMAALI

Gabdho Soomaali ah oo Maanta ku geeriyooday Shil Gaari

Gabdho Soomaali ah ayaa goor dhow ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada lagu magacaabo lake street ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, sida uu kusoo warramay Wariye Soomaali ah oo goobta shilka ka dhacay ku sugnaa.

5 Gabdhood oo saddex kamid ah ay isku qoys yihiin oo wada saarnaa gaari ayaa mar qura waxaa ku dhacay gaari kale oo marayay wadada lake street ee magaalada Minneapolis, waxaana xilligaas gabdhaha ay kasoo baxeen Suuq ku yaalla meel ku dhow goobta.

Sidoo kale ninka waday gaariga uu shilka uu ku galay ee sababay dhimashadda 5 qof ayaa la sheegay in uu gaariga soo xaday, Booliska ayaana sheegay in ay gacanta ku hayaan oo ay qabteen ninka ka dambeeyay shilka dhimashadda sababay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gabdhaha Soomaalida ee shilka ku dhintay ay isku diyaarinayeen xaflad qalin-jebin ah.

Gabdho Soomaali ah oo Maanta ku geeriyooday Shil Gaari
To Top