WARARKA SOOMAALI

Gabar si layaab leh Muqdisho ugu dilay Askar xiriir jaceyl kala dhexeeyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gabar xalay sadii dhexe magaalada Muqdisho ku dishay Askari ka tirsanaa ciidanka xoogga gaar ahaan guutada Kumaandooska ee DANAB, kadib markii sida la tilmaamay inuu soo kala dhex galay muran kooban.

Dad ku sugnaa guri uu dilka ka dhex dhacay ayaa laga soo xigtay in gabadha iyo askariga ay kuwada sugnaayeen hal qol, isla markaana la maqlay rasaas dhacday, taasi oo gabadha ay wadnaha ugu dhufatay Askariga oo durbadii goobta ku geeriyooday.

Nawaal Saalax Cabdulle oo ah gabadha falka geystay ayaa gacanta lagu soo dhigay, Qorayga dilka ay ku gesatay Nawaal ayaa la sheegay in uu lahaa askariga geeriyooday, ilaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee keentay dilkaasi.

Warar la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Nawaal Saalax Cabdulle iyo askariga la dilay eek a tirsanaa ciidanka xoogga gaar ahaan guutada Kumaandooska ee DANAB uu ka dhexeeyay xiriirka jaceyl ayna wada joogeen guri kuyaalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya faah faahin  kama bixin dilkan gabadha xalay u geesatay askariga la sheega in uu xiriirka jaceyl kala dhaxeeyay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in falkan ku socdo baaris ayna dib ka faah faahin doonaan sida dilkan u dhacay iyo waxa sababay.

Gabar si layaab leh Muqdisho ugu dilay Askar xiriir jaceyl kala dhexeeyay
To Top