WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo ku Baaqay in loo Gurmado dadka ku hanti waayay Dabka Suuqa Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka murugaysan khasaaraha dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.

Gaadiidka dab demiska Somaliland iyo Gaadiid kale oo gurmad ahaan dowlad deegaanka Soomaalida ugu soo dirtay Somaliland ayaa ku howlan deminta dabkaas oo saacado badan qaatay demintiisa, waxaana socda gurmadyo kala duwan oo la sameeynayo.

Farmaajo oo ku Baaqay in loo Gurmado dadka ku hanti waayay Dabka Suuqa Hargeysa
To Top