WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo ka Cudurdaartay ka qayb galka shirka uu Xasan Sheekh ku casuumay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay madaxda talada haysa iyo madaxdii hore si ay uga soo qeyb galaan shir muhiim ah oo wadatashi ah.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa Muqdisho ka furmaya maalinta barri ah, waxaana ka qaybgalaya madaxweynayaashii hore ee dalka, Ra’iisul wasaareyaashii hore iyo guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Shirkan waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya. Wufuudda ka qeybgaleysa shirkan ayaa qaar ka mid ah ay durba soo gaareen magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa BBC u xaqiijiyay in ka cudurdaartay ka qayb galka shirka, oo uu soo dhaweeyay in uu qabsoomo. Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa ayaa BBC u sheegay sababta uu Farmaajo uga baaqanayo shirka.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka cudur daartay inuu ka qayb galo maadaama uu ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey leeyahay,” ayuu yiri Cabdirashiid. Weli waxaan war laga hayn in madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan uu ka qayb gali doono iyo in kale.

Farmaajo oo ka Cudurdaartay ka qayb galka shirka uu Xasan Sheekh ku casuumay
To Top