WARARKA SOOMAALI

Fannnaanadii Caanka ahayd ee Khadra Daahir oo Maanta la Aasayo

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ku geeriyootay Fannnaanadii Caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku yaalla Magaaladaas.

Khadra Daahir Cige ayaa waxaa fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii.

Heesteedi ugu horreysay ayaa waxaa u dhiibay macallinkeeda maaddada carabiga, kaasi oo u dhiibay heeskeedi kowaad ee ahayd Hawl iyo Dadweynoow , taasi oo aheyd hees wadani ah.

Fannaanadda oo intii ay noolayd sheegtay inay qurbaha joogtay muddo ku siman 25 sano, taasi oo ay ku macneysay inay aheyd mid adag, oo aan habeen loo dhigin teena waddanka.

Fannaanadda Codka halaasiga laheyd ayaa waxay fanka ka baxaday sanaadkii 2002-dii waxay dhawaanahaan ku noolayd magaalada Hargeysa, iyadoo qurabaha tageysay sannadkiiba mar taasi oo ay sheegtay inay caruurteeda soo eegto.

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa lagu wadaa Marxuumad Khadra Daahir Cige lagu aasi doonaa qabuuro ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

 

Fannnaanadii Caanka ahayd ee Khadra Daahir oo Maanta la Aasayo
To Top