WARARKA SOOMAALI

Fahad Yaasiin oo War kasoo saaray Go’aankii ay qaadatay Maxkamadda Sare

La taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yasiin Xaaji Daahir oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in uu aqbalay go’aankii ay Maxkamadda sare ka soo saartay dacwaddii kurisga HOP086 ee uu dhawaan maxkamadda u gudbiyey.

“Markii aan si qotodheer uga baaraan dagay qaraarka ay soo saareen garsooreyaashu, waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka ka soo baxay maxkamadda sare, oo ah hay’adda ugu sarraysa ee garsoorka dalka, kaas oo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.” ayuu yiri Fahad qoraalkiisa ku yiri.

Maxkamadda Sare ayaa diiday qaadista Dacwadda Fahad Yaasiin, iyadoo sabab uga dhigtay in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee  Barlamaanka 11-aad.

Fahad Yaasiin oo War kasoo saaray Go’aankii ay qaadatay Maxkamadda Sare
To Top