WARARKA SOOMAALI

Fahad Yaasiin oo Dacwad ka dhan ah Guddiga Doorashooyinka u gudbiyey Maxkamadda Sare

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha amniga qaranka ee Nadaxweynaha Soomaaliya, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin), dacwaddaas oo ka dhan ah Guddida doorashada ee heer Federaal.

Fahad Yaasiin ayaa ka dacwoonaya in Guddida doorashadu ay si sharci darro ah ugu diiday kursi uu ku soo baxay oo doorashadiisu ay bishii Febraayo ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Sida ku cad qoraalka, waxaa Maxkamaddu ay ku wargelisay garyaqaanka dawladda inuu muddo laba maalmood gudahood ah kaga soo jawaabo gal-dacwadeedkan laga soo gudbiyey Guddida doorashada ee heer-Federaal.

Fahad Yaasiin ayaa ka mid ah afar xildhibaan oo Guddida doorashada ee heer Federaal ay u diideen inay ansixiyaan.

Fahad Yaasiin oo Dacwad ka dhan ah Guddiga Doorashooyinka u gudbiyey Maxkamadda Sare
To Top